Sports

Paris Saint-Germain Oo Dooneysa Daafaca Juventus Alex Sandro.

Muqdisho-KNN-Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay xagaaga soo aadan u dhaqaaqdo daafaca garabka bidix kooxda Juventus ciyaaryahan Alex Sandro.

Sida laga soo xigtay Le 10 Sport, kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa u aragta ciyaaryahanka reer Brazil inuu bedel u yahay daafaceedii hore garabka bidix ciyaaryahan Maxwell ka dib markii uu ciyaaraha ka fariistay sannadkii hore.

PSG ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay bixiso qiimaha €45m (£ 39m) oo ay siiyaan kooxda juventus si ay u helan ciyaaryahan Sandro.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa Juve kaga soo biiray Porto sannadkii 2015, waxaana uu kula guuleystay labo horyaal oo isku xiga labadii xilli ciyaareed ee uu u ciyaaray Talyaaniga.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa la filayaa inay xilli ciyaareedka soo socda ku bilaabato tababare cusub, iyadoo wararka xanta ah ee soo baxaya ay sheegayaan in Unai Emery laga burinayo kooxda xagaaga soo aadan.

Qalinkii:Aadam Aqyaar