Sports

Paris Saint-Germain oo sharaxday doonisteeda Mohamed Salah.

Muqdisho-KNN-Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay sharaxday rabitaankeeda ay ugu dhaqaaqeyso xiddiga Liverpool Mohamed Salah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka reer Masar ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ka sameeyay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda Reds, isagoo dhaliyey 38 gool, islamarkaana 13 gool caawiye ka ahaa 43 kulan oo uu saftay kooxdiisa Liverpool.

Dhanka kale, PSG ayaa ah kox haysa hogaanka horyaalka Ligue 1 laakiin waxay ku fashilmeen inay soo jiitaan Europe, iyagoo ku hungoobay inay soo dhaafaan Champions League wareega 16ka oo ay ku baxayn gacanta kooxda Real Madrid, kooxda Faransiiska ayaa raadineysa inay sii xoojiso awoodeeda dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Le 10 Sport,adeega Salah ayayna qorshaynayaan inay u dhaqaaaqaan kaa oo ka xoojin kara dhanka weearka kooxda.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in Edinson Cavani uu noqon karo xidig ka soo dhaqaaqa Parc des Princes si uu uyimaado kooxda wiilka masaarida kanasoo muuqday mar kooxaha Chelsea iyo Roma.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska ayaa qiray in Liverpool aysan u badneyn inay iibiso xidigeeda Salah.

Qalinkii: Aadam Aqyaar.