Sports

Paul Pogba: “Wax dhibaato ah kuma qabo Jose Mourinho”.

Muqdisho-KNN-Paul Pogba ayaa ku celiyay markale inuusan wax dhib ah ku qabin tababare Jose Mourinho, islamarkaana uusan dooneynin inuu ka tago Manchester United.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa lagu soo waramayay inuu xiriir adag la laheen Mourinho, taasoo keentay in lahadal hayo xalada isaga iyo macalinkiisa.

Pogba, oo laga saaray ama la tagay line-upka sagaal ka mid ah 15ka kulan ee Red Devils ugu danbeysay, ayaa lagu xamanayaa inuu yahay xiddiga weyn ee Paris Saint-Germain lawareegi doonto xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, 25 jirkaan ayaa ku adkeysanaya inaysan jirin wax walwal ah oo ku saabsan wararka xanta ah ee ku aadan inuu Old Trafford uusan ku faraxsaneen.

“Haatan waxaan joogaa Manchester United, waxan kaliya ka fekerayaa inaan nagi kusii ahaado halkan,” ayuu yiri pogba.

“Wax dhibaato ah kuma qabo Mourinho, uma maleynayo inuu isagana dhibaato igu qabo, sidoo kale waa tababarahayga, wuxuu dooran doonaa xulasho, anigana waxaan ahy ciyaaryahan waana inaan aqbala, taasina waa arin wanaagsan”.

Pogba ayaa ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda iyadoo United ay 2-1 ku garaacday kooxda Tottenham Hotspur finalkii FA Cup-ka hiigsatay iyadoo May bartamaheeda la ciyaari doonto Kooxda Chelsea.

Qaliinkii Aadam Aqyaar