Sports

Pellegrini oo iska dhagatiray baaqyada uga imaanaya kooxaha horyaalka ingiriiska.

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka qaranka talyaaaniga iyo kooxda Roma Lorenzo Pellegrini ayaa dhagaha ka fureestay xiisaha ay u qawaan kooxaha Premier League si uu baaqi ku sii ahaado Roma.

Tan iyo xagaagii lasoo dhaafay, Pellegrini ayaa lala xiriirinayay kooxo waawayn sida Manchester City, Man United iyo Liverpool, isagoo xidigaan inta badan loo adeegsado inuu badal ku yimaado kulamada Roma ay ciyaarayso.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay inuu doonayo inuu u dagaalamo booskiisa kooxda ka dhisan Serie A halkii uu u dhaqaaqi lahaa kubada cagta Ingariiska.

21 jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waa garanayaa in ciyaartoyda da’da yar ay doonayaan inay horumar sameeyaan, lakiin horumar ayaan ku dareemayaa kooxda aan ku soo koray.

“Ujeedada ciyaartoy walba waa inay ku guuleystaan ​​koobab, sida Daniele De Rossi iyo Francesco Totti ayaa hore u sheegay, inay ku guuleystaan ​​Scudetto halkan ayagoo jooga  waxay u dhigantaa 10 koob oo kale, sidaa dartaad waxaan baaqi kusii ahaan doona Roma”

Pellegrini ayaa 19 kulan oo uu saftay kooxda Roma xagaagan  11 kamida korsiga keedka uu ka imaanayay.