Sports

Pep Guardiola oo doonaya saxiixa ciyaaryahan Andres Iniesta.

Muqdisho-KNN-Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay ku biirto tartanka loogu jiro helida ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Barcelona Andres Iniesta, kaasoo u muuqda inuu diyaar u yahay inuu ka tago Barcelona.

Tan iyo bilowgii sannadkan 2018, Iniesta ayaa lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda horyaalka China Super League waxaana la badinayaa in kooxda Chongqing Dangdai  ay ugu cadcadahay inay heshiis la gaaraan ciyaaryahanka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay jariirada AS, tababaraha City Pep Guardiola ayaa diyaar u ah inuu soo afjaro 33 jirkaan kuma soo biiriyo kooxdiisa City, kaasoo dhawaan ka soo muuqday kulankii Barca ay 5-0 kaga badisay Sevilla finalkii Copa del Rey.

Iniesta ayaa noqday 34 jir, laakiin Guardiola ayaa doonaya inuu la midoobo ciyaaryahankiisii hore uu ku lasoo shaqeeyay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa ee Camp Nou intii u dhaxeysay 2008 iyo 2012.

Halyeeyga kooxda ayaa 669 kulan u saftay Barca tartamada oo dhan isagoo mustaqbalkiisa ciyaareed ku qaatay kooxda reer Catalan.

Qalinkii:Aadam Aqyaar