Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu doortay lambarka maaliyada ee uu xiran doono hadii uu u dhaqaaqo Barcelona.
Pogba ayaa la dhacsaneen tababare Jose Mourinhoxili uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay isku dhacayn markii uu qaab ciyaareed xun uu ku jiray xidagan.
Inkastoo xidigan ka dib Koobkii Adduunka ee Faransiiska uu ku hogaamiya, Barca ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay soo afjarto lasoo wareegitanka xidig kamida xidigihii ku guulaystay koobka aduunka.
25 jirkaan ayaa la sheegay inuu la kulmay agaasimaha Isboortiga Barcelona Eric Abidal Isbuucii lasoo dhaafay kulankaas oo ka dhacay Los Angeles si uu ugala hadlo inuu u dhaqaaqayo Camp Nou.
Sida laga soo xigtay CalcioMercato, Pogba ayaa xiran lahaa maaliyada No.8 ee uu xiran jiray ciyaaryahan Andres Iniesta si uu badal ugu noqdo xidigaas.