Somali News

Prof Dufle oo markale ku soo baxay doorashada Aqalka Sare ee Hir-shabelle.

Jowhar-KNN-Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-shabelle waxaa lagu soo gabagabeeyay Doorashada kuraasta aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeyb ka mid ah. Iyadoo caawa lagu tartamayay Kursiga afaraad.

Waxaa mar kale doorashada Kursiga afaraad ee Aqalka Sare kusoo baxay oo dib loo doortay muddo afarsano kadib Professor Cusmaan Dufle kadib markii ay la tartameyn Musharixiinta Danjire Maxamed Cali Nuur (Tarsan) iyo Raahe Xasan Xuuti.

Prof Dufle ayaa ka helay Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-shabelle Wareegii 3aad codod dhan 68 Cod, halka Musharaxa Isla Wareegaas kula tartamayay oo ahaa Raage Xasan Xuuti uu isna helay 28 Cod, iyadoo doorashadaas uu gabi ahaan iskaga haray Danjire Tarsan kadib markii uu helay 15 Cod wareegii Koowaad.