Sports

PSG oo ku gacan saraysa helida ciyaaryahan ka tirtan Manchester United

Muqdisho-KNN-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa difaceda Marcos Rojo mid u muuqda inuu diirada u saaranyahy sidii uu ugu biiri lahaa kooxda Paris Saint-Germain.

Rojo ayaa 107 kulan u saftay Mnchesyer United afar san uu joogay garoonka Old Trafford, laakiin United ayaa shaacisay xidigan 28-sano jirka ah uu ka mid yahy ciyaartoyda lagu iibsan karo suuqa kala iibsiga xagaagan.

Everton ayaa ahayd koox ku jirtay xiisahan loo qabo daafacan wallow hada ay kusoo biirtay kooxda PSG sida ay daabacayso The Sun.

PSG ayaanse la rumaysaneen inay qaadan karto xidigaan maadama uu saaranyahay cadaadis dhanka suuqa ah FFP, laakiin waxa ay u muuqataa in kooxda heysata horyaalka Ligue 1 mid  Diyaar u ah inay bixiyaan £20m si ay u helaan xidigan.