Garowe-KNN-Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa shaacisay kiisas hor leh oo Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland.
Tirada dadka laga helay xanuunkaas saacadihii u dambeeyay ayaa lagu sheegay 6 qofood oo ku kala nool gobollada Nugaal, Bari iyo Mudug.
Sidoo kale laba qof ayaa kasoo bogsatay xanuunkan, waxaana warbixinta lagu sheegay in qof Puntland ugu geeriyooday uusan jirin 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurka Coronavirus.
Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus kuwooda laga diiwaan geliyay deegaanada maamulka Puntland ayaa gaartay 161 xaaladood, shan qof ayaa u dhimatay halka todoba kale ay kasoo bogsadeen.
Guud ahaan Soomaaliya tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaaray 1,502 xaaladood, 178 qofood ayaa kasoo bogsatay, halka inta la ogyahay 59 kale ay u dhinteen.