Uncategorized

Puntland” Dagaalamayaal Shabaab ah waan dilnay qaarna waan qabanay kadib dagaal ka dhacay Buuraha Calmadow”

Garowe-KNN-Wararka laga aan ka heleyno gobalka bari ee Puntland ayaa sheegayo in Ciidamda Maamulkaasi ay dileen dagaalamayal ka tirsan ururka Alshabab ka dib howlgal ay ka sameyeen Deegaanada Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Calmadow oo dhamantoodba ka tirasan Gobalkaasi bari.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntlan ee howlgalaasi hogaaminayay ayaa sheegay in ay dileen 3 dagaalame oo ka tirsan Ururka Alshabab sidoo kalana ay dhaawceen Xubno kale oo ka tirsan Alshabab.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in ay nolosha ku qabteen  labo dagaalame oo ka tirsan Alshabab ku waa oo ay sheegeen in loo gudbiyay Xasi k yaalla magaladda Boosaaso.

Waxaana la sheegay in howlgalka Ciidamda maamulka Puntland ee lagu baacsanaayo Alshabab iyo daacish  ay sii soconayaan.

Howlgalka Ciidamda Puntland ay ka sameyeen Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow ka dib markii ay bateen miinooyinka iyo weerarada tooskaa eel ala begsanaayo Ciidamda Maamulkaasi