Somali News

Puntland & DD/Soomaalida oo gaaray heshiis wadajir ah

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee qeybta Puntland Faysal Shiikh Cali iyo xubno wehlinyay oo ku sugan degmada Goldogob, ayaa halkaas shir looga hadlayay Amniga, kaas oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta iyo Laamaha Amniga ee Gobolka Doollo.

Masuuliyiinta Gobolka Doollo Gudoomiyaha intii uu socday kulanka dhinacyada waxay Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejiyeen Gaari horay looga dhacay degmada Gaalkacyo ee Gobolkaas.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland iyo mas’uuliyiinta gobolka Doollo ee Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku heshiiyay 5 qodob.

Waxaana ay kala yihiin:-
. In la xoojiyo wadashaqaynta dhinacyada mas’uuliyiinta gobolada Mudug iyo Doollo.

2. Is waydaarsiga xogaha dhinacyada amniga ee laamaha amniga gobolka Mudug iyo Doollo.

3. Isu soo qabashada dadka u kala baxsada gobolada Mudug iyo Doollo ee isugu jira tuhunsanayaasha iyo eedaysanayaasha si loo ilaaliyo amniga bulshooyinka.

4. Joojinta iyo la dagaalanka maandooriyaha

5. In dib-udayactir lagu sameeyo dhinacyada isgaarsiinta xuduudaha labada gobol si ay u fududaato helida xogaha amni.

Shirkan looga hadlayey dhinacayada Amniga iyo wadashaqaynta ayaa waxaa qayb galay  Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, dhinaca Gobolka waxaa ugu qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Doollo Mubarak Axmed Maxamed, Taliyayaasha Dhinacyada amniga iyo Siyaasada Gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida.