Somali News

Puntland iyo Soomaaliland oo la shaaciyay Xiliga ay maxaabiista is weydaar sanayaan

Garowe-KNN-Puntland iyo Soomaaliland ayaa lagu wadaa in Isniinta birito ay is dhaafsadaan maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaaladii ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in dagaalkii Tukaraq ay Soomaaliland kaga qabsadeen 18 Askari oo haatan Seddax ka mid ah ay maxbuus ahaan ugu xiranyihiin xabsi ku yaala magaalada Garowe.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaaladaas ay Soomaaliland Kaga qabsadeen ilaa 18 maxbuus, hayeeshee ay sii daayeen 15 ka mid ah kadib markii ay ka war heleen in ay ka soo jeedaan gobolada Sool iyo Sanaag oo ah gobolada ay gacan ku heyntooda ku hardamayaan xukuumadaha Hargeysa iyo Garowe.

Sidoo kale Soomaaliland ayaa iyaduna dagaaladii Tukaraq waxa ay sheegtay in Puntland ay kaga qabsatay ilaa 14 maxbuus, kuwaas oo haatan ku xiran xabsiyada Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasabadii 18-ka May waxa uu markii ugu horeysay kaga dhawaaqay in Soomaaliland ay diyaar u tahay maxaabiis is weydaarsi dhex mara Puntland iyo Soomaaliland, waxaana muuqata in Puntland ay dhankeedu ku raacday arintaas.