Uncategorized

Puntland “dagaalka ma Joogsan doono Inta ay naga maqan tahay Tukeraq”

Garowe-KNN-C/Xakiin C/llaahi Camey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda deegaanka Tukeraq ee gobalka oo ag isu hor fadhiyaan Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.

“Ma joogsan doono dagaalka Tukeraq ilaa ay Soomaaliland ay ka baxdo deegaanka” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan ka samri doonin Tukeraq iyo dhulkeeda ah, Masuuliyadda wixii khasaarana ay qaadan doonan Soomaaliland.