Maxkamada Ciidamada ee maamulka Puntland, ayaa maanta dil-toogasho ah waxaa ay ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish.
Xubnaha la toogtay ayaa waxay mudo ku xirnaayeen xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso.
Toogashada raggaan ayaa ka dambaysay kaddib markii Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaankuba ay ku rideen xukun dil ah kol sii horeysay
Xubnaha maanta la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah, Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh oo 22 jir ah, Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.
Maamulka Puntland ayaa dagaal xoogan waxaa ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish


