Somali News

Puntland: Nin dilay Hooyadiis oo maanta xukun lagu fuliyay

Garowe-KNN-Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin horay dil uga geystay deegaanada Puntland.

Ninka maanta xukunkaas lagu fuliyay waxaa lagu magacaabi jiray Faarax Cabdi Caagane, waxaana la sheegay inuu dilay Hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle.

Faarax ayaa seddax bilood ka hor dilkaas u geystay Hooyadiis Xaawo Jaamac, waxuuna ka dhacay deegaanka Jalam oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland.