Somali News

Puntland oo 8-shuruudood oo adag ku xirtay ka qeyb galka shir dambe oo laga yeesho doorashada

Garowe-KNN-Dowlad goboleedka Puntland ayaa shuruudihii ugu adkaa ku xiray ka qeyb galka shir kale oo looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, kadib qoraal ka kooban seddax bog oo Puntland ay ku shaacisay in madaxda dowladda federaalka ay caqabad ku noqdeen fulinta heshiisyadii horay loo gaaray.

Puntland waxay qoraalkan ku sheegtay in madaxda dowladda federaalka uu dhankeeda ka fuli waayey heshiiskii 17-kii September iyo dhammaan habraacyadii kale ee doorashada looga heshiiyey.

Puntland waxay tusaale u soo qaadatay intii lagu gudo jiray wada-xaajoodayada shirkii Dhuusamareeb-4, in Madaxweyne Farmaajo uu ka safray magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin qodabadii uu ka taagnaa khilaafka doorashada.

Puntland oo qoraalkan ku soo bandhigtay sideed shardi ayaa tiri, “Iyadoo laga duulayo maraxaladda dalka ka soo cusboonaatay 19-kii February, iyo xasillooni darrada ka dhalatay dhammaadka muddo-xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la meel mariyo qodobadaan soo socda si horay loogu sii amba-qaado wada-tashiyadii doorashooyinka.”

1 -Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa in uu soo saaro wareegto xadedaysa awoodaha fulineed ee Madaxweynaha iyo kuwa sharci-dajineed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waa in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii masiiriga ah ee Madaxweynuhu saxiixay intii ka dambaysay 8-da Feb 2021 iyo shuruucdii ay Baarlamaanku ansixiyeen muddadii ka dambaysay 27-kii December 2020, Si waafaqsan qodabada 91-aad iyo 60-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

2 -Maadaama Ciidanka Amniga Qaranku ay ka qayb qaateen falalkii qalalaasaha watay ee Muqdisho ka dhacay 19-kii February, waa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, lana magacaabo masuuliyiin lagu kalsoonaan karo laguna soo xulay hab wada-tashi ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo dhex-dhexaadnimada doorashooyinka, waa in Ciidanka Qaranku ku ekaadaan keliya waajibaadkooda ah sugida amniga, laguna dhex saaro howlaha siyaasadda iyo doorashada, si loo soo celiyo kalsoonidii dhaawacantay.

3 -In la dhiso guddi xaqiiqo raadin ah, oo baaritaan madax-banaan ku sameeya dhacdooyinkii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19-kii Bishan Februery, si la iskula xisaabtamo.

4 -Madaama, Dowladda Federaalku ay ku guul-darraysatay fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, waa in saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay qaataan door damaanad-qaad ah, si loo hubiyo fulinta qodobada lagu heshiiyo ee Doorashooyinka.

5 -Waxaa muhiim ah in Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yeeshaan hab wadashaqayn joogto ah oo wakhtiyeysan si loo dardargaliyo qabsoomida doorashooyinka Dalka.

6 -Waa in Saamileyda siyaasadda iyo Ururada Bulshada laga qaybgeliyo, loona ogalaado inay ka qayb qaataan xal-u-helidda arrimaha ka taagan doorashooyinka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashooyinka.

7 -In la dhowro xuquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurku siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida xuquuqda hadalka, bannaanbaxyada, Kulamada IWM, si looga fogaado xasilloni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni.

8 -Si loo dardargaliyo qabsoomidda doorashada, waa in shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka lagu qabto magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, goob ammaan ah oo amnigeeda ay sugayaan ciidan lagu wada kalsoon yahay.