Garoowe-KNN-Yuusuf Maxamed Ismaaciil Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira amniga deeganada maamulkaas iyo baaq ku socday shacabka ku sugan deegaanada maamulka Puntland.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay u dabaal degeyso 21-sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskeeda waxaana uu faray in ciidamada ammaanku ay ka feejignaadaan inta uu socdo dabaal dego in ay dhacaan falal amniga ka soo hor jeeda.
Sidoo kala waxa uu baaq u diray shacabka isaga oo ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan amniga,isaga o intaas ku sii daray in Puntland ay tahay maamul waqti dheer dhisan.
Amaanka deegaanada maamulka Puntland ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo badan, kuwaasi xaqiijinaya amniga Magaaladaasi.