Somali News

Puntland oo amar dul dhigtay Ganacsatada iyo Gadiidleyda ka shaqeya Boosaaso

Boosaaso-KNN-Taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Bari ayaa ku amray ganacsatada iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, in ay soo diiwaan geliyaan dhammaan shaqaalahooda.

Amarka kasoo baxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa lagu faray xarumaha ganacsiga iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso, in ay dhammaan shaqaalahooda ka diiwan geliyaan xarunta dambi baarista booliska ee CID-da gobolka Bari, si buu yiri loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida magaalada Boosaaso.

Taliska Booliiska ayaa sidoo kale ku amray ganacsatada, in ay soo gudbiyaan sawirrada dhammaan shaqaalahooda, si loo aqoonsado wejiyadooda, islamarkaana ciddii dambi gasha la iskaga qabto.

Waa markii ugu horeysay ee maamulka Puntland gaar ahaan Taliska Booliska ee Gobolka Bari ay ku amraan shaqaalaha gaadiidleyda iyo ganacsatada magaalada Boosaaso in ay is diiwaan galiyaan, taas oo looga gol leeyahay sugidda amniga magaalada Boosaaso.