Somali News

Puntland oo amaro dul dhigtay dadka ka ganacsada maandooriyaha

Maamulka Puntland ayaa amaro waxa ay dul dhigeen dadka sida sharci darrada ah uga ganacsada maandooriyeyaasha Qaadka iyo Qamriga ee deegaannada maamulkaasi.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland general Muxuyadiin Axmed Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in cid kasta arrintan ku lug yeelata ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu amray ciidamada Booliska Puntland, in ay soo qab qabtaan dadka ka ganacsada maadooriyeyaashan la mamnuucay.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu baaq u diray dadka ku hawlan in ay ka ganacsadaan, gaar ahaan ganacsatada in aysan hantidooda iska gelin, haddii ay ku arkaanna ay mudan doonaan tallaabo adag oo laga qaadi doono.

Hadalkan ayaa waxa uu ka sheegay taliyaha ciidamada Booliska Puntland general Muxuyadiin Axmed Muuse goob lagu gubayay xirmooyin Qaad ah, oo si sharci darro ah lagu soo geliyay magaalada Garowe.