Uncategorized

Puntland oo amaro ka soo saartay isku socodka gaadiidka iyo dadka

Garowe-KNN-Maamulka Puntland ayaa amaro dul dhigay Gaadiidleyda iyo dadka kuwaas oo isaga kala goosha magaalooyinka Garowe iyo Laascaanood.

Guddiga Difaaca ee maamulka Puntland ayaa soo rogay amaradaas waxaana Gaadiidka waaweyn la faray in ay soo dhaafi karin Koontaroolada laga soo gala magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa la amray in aanay shacabka, gaadiidka yar yar iyo kuwa waa weynba in aysan aadi Karin goobaha difaaca iyo jiida hore ee dagaalka.

Amarkaan ka soo baxay guddiga difaaca ee maamulka Puntland ayaa imaanaya xili xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagantahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Guddiga difaaca ayaa wax faafaahin ka bixinin u jeedka ay ka leeyihiin amaradaan cusub ee ay ku soo rogeen isku socodka dadka Gaadiidka.