Uncategorized

Puntland oo amaro ku soo rogtay Shacabka iyo Ganacsatada

Garowe-KNN-Guddiga Difaaca ee maamulka Puntland ayaa maanta kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi waxaana kulankooda inta badan ay kaga hadleyn xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool.

Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland ayaa isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq iyadoona wali labada dhinac ay wadaan abaabul dagaal iyo hurin colaadeed.

Kulanka maanta ay yeesheen Guddiga Difaaca ee maamulka Puntland ayaa ahaa mid gudiga ay fariin ugu dirayeen shacabka reer Puntland.

Wasiirka amniga maamulka Puntland Axmed C/laahi Yusuf oo akhrinayay 11 qodob oo ay soo saareen guddiga ayaa sheegay in Ganacsatada Puntland aysan wax xiriir ah la sameyn Karin gacansatada Soomaaliland, waxaa sidoo wasiirku uu sheegay in la dili doono cidii taageerta Soomaaliland.

Maalmihii dambe ayaa maamulka Puntland wuxuu soo rogayay amaro ku wajahan shacabka reer Puntland iyo Gaadiidka isaga kala goosha deegaanada Puntland iyo deegaanka xiisada ay ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobolka Sool.