Uncategorized

Puntland oo balan qaaday in ay fulin doonto qodobadii lagu heshiiyo Shirka Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar “Camey” Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeyaan Xasiloonida gobolka Mudug isagoo baaq u jeediyay Shacabka Gobalka Mudug.

Waxa uu sheegay in colaadaha ka dhaca gobolka Mudug inta badan ay salka ku hayaan Geel la kala dhacay iyo dilal qorsheysna oo aanooyin qabiil ah xalna laga gaari doono balse waxa  uu codsaday in la fuliyo qodobada Shirka soo baxo si dagaan ay ugu dhalato Mudug.

Madaxweyne Camey ayaa xusay in wixii Geel ah oo laga soo dhaco dhanka Galmudug ee la geeyo dhinaca Puntland in ay soo celin doonaan oo ay Galmudug gacanta ka saari doonaan sidaas oo kale Galmudug laga rabo in ay sameyso.

Gaalkacyo ayaa maalmahaan waxaa ka socda Shir xal loogu raadinayo Guud ahaan Gobalka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ay ka jiraan Xiisado u dhaxeyso Maleeshiyo ka soo kala jeedo Galmudug iyo Puntland.