Boosaaso-KNN-Suuqii ugu weynaa ee lagu iibin jiray kalluunka magaalada Boosaaso ayaa la bur-buriyay iydoo la sheegay in labalaarinayo Dekeda magaalada Boosaaso.
Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso iyo Wasaarada Gaadiidka iyo Dekadaha ee maamulka Puntland ayaa si wada jir ah ugu howlan bur-burinta suuqaasi.
Amarka lagu bur-burinato suuqa kalluunka ee Nekfish ayaa kasoo baxday Mdaxtooyada maamulka Puntland iyadoo ujeedka laga lee yahay lagu sheegay balaarin la doonayo in lagu sameeyo Dekada magaalada Boosaaso.
Guddoomiyaha Degmadaas Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa shegay in suuqa la bur-burinayo bil kahor laga saaray dadkii ku ganacsan jiray iyadoo la fulinayo amar kasoo baxay Madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullahi Deni oo ku aadan ballarinta Dekadda magaalada Boosaaso.
Suuqa la bu- buriyay ee Nekfish oo lagu ganacsa jiray sanado badan ayaa hada loo raray goob kale, iydoo ay xusid mudantahay in hada ka hor lagu dilay masuulkii ugu sareeyay Shirkadda PNO-port ee maamusha Dekada Boosaaso taasi oo hoos tagta Shirkadda DP-WOL ee laga leeyahay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.