Somali News

Puntland oo cadeysay go’aankeeda xeerarka doorashada mowqif adagna ka istaagtay

Garowe-KNN-War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayey ku qaadacday xeerarka doorashooyinka ee hor yaalla Golaha Shacabka, iyadoo walaac ka muujisay in aan la tixgelin is afgaradkii lagu gaaray kulankii dhanka qadka Internet-ka ku dhex maray madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankaas ayaa dhacay 22-kii bishan June waxaana la sheegay in la isku afgartay in la joojiyo doodaha xeerarka hor yaalla golaha shacabka, taas oo aan suurta gelin, iyadoo qaar ka mid ah la ansixiyay xeerarkaas. 

Sidoo kale Puntland waxay ka digtay in shuruucda dalka lagu saleeyo damac gaar ah iyo rabitaanka madaxda dowladda federaalka, iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsaneyn dastuurka KMG ah ee dalka.

Qoraalka Puntland waxaa lagu sheegay in haatan lagu dhiiranayo been abuur iyo is daba marin sida ku cad warqaddii shalay kasoo baxaday xaafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland oo dhameystiran