Somali News

Puntland oo Ciidamo kala dhigtay Maleeshiyo ku dagaalamay Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa Ciidamo kala dhax-dhigay Maleeshiyo beeleed maanta ku dagaalamay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, dagaalkaas oo ay ku dhintayn 3 qof, 5 kalane ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha amaanka ee Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Maamulka Puntland la kala dhax-dhigay Maleeshiyadii ku dagaalantay Gaalkacyo hadane ay socoto xal u raadinta waxyaabihii sababay dagaalka.

Xaaladda Gaalkacyo ayaa xiligaan dagan waxaana la soo sheegayaa in amaanka ay sugayaan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland. Puntland ayaa rajo wanaagsan ka qabto in ay xal ka gaarto wixii sababay dagaalka maanta ka dhacay Gaalkacyo.