Somali News

Puntland oo dhaqaatiir caafimaad u dirtay gobolka Sool

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa sheegtay in ay kooxo caafimaad  u dirtay , degaanka saaxdheer ee konfurta gobolka Sool, kadib markii  hallkaasi laga soo sheegay xanuan aan weli la aqoonsan oo dad badan soo ritay.

Wasaaradda ayaa tilmaantay, in iyada oo ka jawaabaysa xaladaha laga soo sheegay degaanka Saaxdheer, ay halkaasi u dirtay Koox Caafimaad,  si ay usoo qiimeeyaan ugana qayb qaataan hawlaha caafimaad ee loo qabanayo bukaanada jiifa  xarumaha Caafimaadka Saaxdheer.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ka soo xigatay Bahda Caafimaadka degaanka Saaxdheer, in  saddexdii casho ee la soo dhaafay ay qaabileen in ka badan 200 boqol oo bukaan ah, kuwaasi oo uu soo ritay xanuunka halkaasi  ka dillaacay.

Bukaanada Xarumaha Caafimaadka Saaxdheer jiifa,  ayaa waxa soo ritay xanuun  isugu jira Quffac, Shuban iyo Xummad, kaasi oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen saddex ruux in ka badan 200 oo qofna ay u jiifaan goobaha Caafimaadka degaanka.