Gaalkacyo-KNN-Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) Duqa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu digniin iyo hanjabaad u diray qaar ka mid ah waalidiinta dhalay dhalinyarada koox-kooxda u abaabulan ee habeenkii fowdada ka sameeya xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Duqa degmada Gaalkacyo ayaa waalidiinta ka dalbaday in ay carruurtooda guryaha ku hayaan, islamarkaana ay kala hadlaan sidii ay u joojin lahaayeen fowdada iyo dhibaatada lagu haya amniga magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale Duqa Magaalada Gaalkacyo ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada fowdada ku wada magaalada islamarkana ay u dhaadhicin doonaan xabsiyo ku yaalla magaalooyinka kale ee Puntland si aan waalidkood uga daba imaan.
Ugu dambeyntii Duqda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in maalmaha soo aadan ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah dhalin yarada dhiaatada ka geysta Waqooyiga magaaladaasi.