Somali News

Puntland oo galitaanka deegaanadeda kusoo rogtay Sharci adag

Garowe-KNN-Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in aysan ogolaan doonin in deegaanadooda ay gudaha u gasho cid fiiso la’aan wixii maanta kadanbeeya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Amniga ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo Garowe kula hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Degaannada Puntland ayaa waxaa ku badan soo galootiga doonaya in ay ka tahriibaan xeebaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kuwaas intooda badan ka kala yimaada koonfurta Soomaaliya iyo dalka Itoobiya oo daris la ah Soomaliya.