Somali News

Puntland oo imtixaanka Dugsiga sare la sixi la’ dhaqaalo xumo

Golaha Wakiillada Puntland kalfadhigoodii maanta, waxaa hortegay Wasiirka Waxbarashada maamulkaas, Cabdullaahi Maxamed Xasan, kaas oo ay wehlinayeen Agaasimaha Guud iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda, kadib markii looga yeeray.

Kulanka waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, balse fadhiga maanta ayaa ahaa kiisii 20-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada maamulkaas.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira, waxaa uu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland loo sixi la’ yahay dhaqaale la,aan, kadib markii ay joojiyeen hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray.

“Maanta oo aan idin hor-fadhiyo imtixaanka shahaadiga sideedaadka waa la saxay waa noo suurtagashay, imtixaanka form four-ka (Dugsiga Sare) wuu inoo yalaa, wuxuuna u yaalaa oo loo sixi kari waayay dhaqaalo la,aan, Imtixaanku caqabado fara badanoo la kulmaa, caqabada ugu weyna hadda waa caqabada dhaqaalaha, lacagta laga qaadaa waalidiinta kaliya kuma filna in imtixaanka min bilow illaa dhammaad ay daboosho.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan.

Wasiirka oo sii hadlayay wuxuu yiri “haddii tusaale yar aan idin ka siiyo imtixaankii 2020-kii la qaaday:- Waalidku waxay bixiyeen boqolkiibo afar tan iyo lix (46%), Hay’adaha waxbarashada nagala shaqeeyaa waxay bixiyeen boqolkiiba afartan iyo saddex (43%), Puntland waxay bixin lahayd boqolkiiba lix iyo toban (16%), iyadoo sidaas ah boqolkiiba lix iyo toban ay bixin lahayd Puntland 20-kii bay ahayd waa xiligiI Cronaha daruufaha dhaqaale jira Puntland way awoodi weyday inay kabto lacagtaas.”

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya, xili Puntland iyo Somaliland ay yihiin kuwa ka soocan maamul Goboleedyada kale ee dalka, islamarkaana gooni u qaata Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada dhexe iyo Sare, balse Maamul Goboleedka Puntland ayaa xiligaan wajaheyso dhaqaalo xumo, taas oo ay ku sixi la’yihiin imtixaankii Dugsiga sare oo ay qaadeyn sanadkaan.