Garowe–KNN– Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay hayaan Xog muujineysa in Al-shabaab iyo Daacish ay qaab dhuumaaleysi ah ku soo galayaan Magaalooyinka waaweyn ee Maamul Gobolleedka Puntland ka dib markii ay Korortay Duqeynta dhanka Cirka ah ee lala bartilmaameedsanayo Saraakiisha iyo dagaalameyaasha Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan Qeybo kamida Puntland.
Saraakiisha ayaa amray Taliyaasha Kontoroolada laga soo galo Magaalooyinka Puntland in Ammaankooda ay Adkeeyaan oo ay Hubiyaan Dadka ka soo galaya ee ka soo gudbaya Kontoroolada.
Hadalka Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa imaanaya iyadoo Dowladda mareykanka ay Dhowr Jeer Duqeeyeen Buuraha Galgala oo ay ku sugan yihiin Daacish iyo Al-shabaab.