Somali News

Puntland oo ka digtay in hub lagu dhex sito bartamaha Garoowe.

Garoowe-KNN-Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse Taliyaha guud ee ciidanka booliska Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa amar  ka soo saaray ammaanka magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal.

Taliyaha ayaa digniin culus ka soo saaray dadka qoryaha ku dhex wata magaalooyinka, isagoona sheegay in ciddii qori magaalada kun dhex wadata lagala wareegi doono.

Muxuyadiin Axmed Muuse, wuxuu ciidanka amar ku siiyey inay qoryaha ka qaadaan askarta aan howlgallada kujirin ee hubka la dhex qaada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Taliska ciidanka Puntland ayaa mam noocay in qaadka lagu iibiyo qaar kamid ah wadddooyinka hal-bowlaha u ah magaalada Garoowe si loo ilaaliyo ammaanka iyo bilicda caasimadda.

Magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga howlgeliyey ciidamo cusub oo loogu magac daray ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Puntland.

Amarkan ayaan la ogeyn sida uu uga dhaqan geli doono magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.