Somali News

Puntland oo ka hadashay Booqashada Kheyre ee Waqooyiga Gaalkacyo

Garoowe-KNN-Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Puntland oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhaweyntii ay u diyaarisay Puntland xilli uu shalay galab booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in R/Wasaare  Kheyre uu  fowdo u yimid gobalada dhexe ee Soomaaliya, isla markaasna uu hadda sameyey ficilo waa weyn oo halis galinaya dawladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa intaasi raaciyay hadalkiisa  in kulamo kala duwan kadib la isla gartay in Ra’iisul wasaaraha lagu soo dhoweeyo waqooyiga Gaalkacyo islamarkaana loo sameeyay jadwal uu kula kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada waooyiga Gaalkacyo oo ay u horreeyaan isimada Dhaqanka isagoo caddeeyay in taasna uu mar kale baal-maray Ra’iisul wasaaruhu.

Dhabancad ayaa raalli-gelin siiyay isimadii iyo madax-dhaqameedkii kale oo uu sheegay in ay sii diyaar-garooben la kulanka Ra’iisul wasaaraha balse uu tix-gelin waayay ixtiraamka ay mudan yihiin.