Uncategorized

Puntland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Buuhoodle ee gobalka Togdheer.

Garowe-KNN-War-Saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa lagu canbaareeyay dagaalkii shalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 9 qof oo shacab ah.

Dagaalkii shalay ayaa u dhaxeeyay Ciidamo Maleeshiyo Beeleed ah kuwaas oo hore dad isaga dilay waxaana la sheegay in ay lagu guuleestay in la kala dhax galo Maleeshiyadii dagaalantay.