Somali News

Puntland oo ka hadashay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan AL-shaabab

Ciidamada dowlad goboleedka  Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgal ay ka fuliyeen Buuraha gobolka Bari oo dagalaamayaasha Al-Shabaab ay  ku xooganyihiin.

Ciidanka ammanka ee Puntland gaar ahaan kuwa Pmpf ayaa sheegay in ay gubeen saldhigyo Muhiim u ahaa kooxda Al-shabaab kuwaas oo ku yaalay Buuraha Calmiskaat si gaar ah burts barida Kana Qabsadeen saanad Ciidan.

Howgalkan oo shalay dhacay ayaa puntland waxa ay sheegtay in sidoo kale ay ku qabtay waxyabaha qarxa iyo aaladaha loo adeegsado samentooda.

Warkaan ka soo baxay puntland ayaa ku soo aaday  iyadoo al Shabaab kordhiyeen werarada ay ka fulinayaan deeganada maamulkaas.

Dagalaamyasha al Shabaab iyagana wali kama hadal hadalkaan puntland ka soo yeearay, iyadoo ciidamada maamulkaas ay inta badan howlgalo ka sameeyeen goobahaas.