Somali News

Puntland oo ka hadashay markab ay koox burcad badeed ah ka afduubteen xeebaha deeegaanada maamulkaasi.

Maamulka , ayaa faahfaahin ka bixiyay Markab la sheegay in koox burcad badeed ah ay ka qafaasheen xeebaha deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Eng Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Burcad-badeed ay af-duubteen Markabkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay, in Markabka Xamuulka ah oo ka yimid Waddanka Imaaraadka Carabta uu shidaal u siday Magaalada Muqdisho, islamarkaana laga leeyahay Dalka Panama, uuna siday 20 shaqaale ah.

Eng Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa xusay in Markabka oo mudda ku wareegayay Xeebta laga shakiyay sidaasna Ciidan loogu diray, balse markii dambe la xaqiiqsaday in uu yahay Markab ganacsi cilladoobay.