Somali News

Puntland oo ka warbixisay is-rasaaseyntii maanta ka dhacday Boosaaso

Shir jaraa’id oo si wadajir ah u qabteen Wasiiradda Amiga iyo Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kaga hadleen Shaqaaqadii maanta ka dhacday Afaafka hore ee Garoonka Magaalada Boosaaso.

Wasiirka Amiga Puntland, Cabdisamad Galan ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan PSF ay isku dayeen in xoog ay ku galaan Garoonka Boosaaso, balse ay ka biyo deedeen Ciidamada Ilaalada Garoonka oo sheegay in aan hub la oggoleyn.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad ayaa sheegay in aan lagu soo wargalin imaanshaha Xildhibaan Sacdiya Salaad, isla markaasna ay si ka dis ah uga war heleen in Diyaarad ay la socotay oo waday Gargaar.

“Puntland waxaa ay diyaar u tahay in howlaha gargaarka iyo samafalka kala shaqeyso Dowladda Federaalka iyo dowlaha xubanaha ka ah, balse mar hore loo baahan yahay xiriir iska warqab ka hor safarka” ayuu yiri Wasiir Dhabancad.