Garowe-KNN-Muxudiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidamada la dagaalanka Argigixasada ee Puntland oo Shir jaraa’id Ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay Puntland in aysan aqbaleyn in fowdo lagu sameeyo suuqyada safirka lacagaha ee maamulkaasi.
Wuxuu sheegay dadka sariflayaasha ah wixii hada ka dambeeya in aysan jiri doonin in ay ganacsadaan sharci la’aan, lagana doonayo sarifle kasta damiin ama qof ka masuul ah, oo marka uu qalad geysto loo soo qaban karo.
Muxudiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale sheegay sariflayaasha qaarkood in ay yihiin kuwo aan sharci heysan oo doonaya in ay khalalaase iyo buuq abuuraan.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay sameyn doonaan Howlgal ka dhan dadka aan sharciga heysan ee ka ganacsada Puntland iyo kuwa damiin la aanta ah loogana Baahan yahay in ay si deg deg ah damiin u keensadaan.