Uncategorized

Puntland oo maanta Ciidamo badan u dirtay Buuraha galgala.

Boosaaso-KNN-Wararka Naga Soo gaaraya Buuraha galgala ayaa Sheegaya in Maanta Puntland ay Ciidamadii ugu badnaa Abid u dirtay Buurahaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacisha oo Dhowr jeer weeraro ka fuliyay degaano ka tirsan Puntland.

Sababta ciidamadan amaanka ee ka tirsan puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay Tahay Sidii ay ugu hortagi lahaayeen Digniino maalmahan ay jeedinayeen hay’ada Amaanka Puntland,kaasi oo ku aadan in laga cabsi qabo in weeraro ay ka fuliyeen degaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland.

Ciidamada Puntland ay u dirtay Buuraha gobolka Bari oo ku hubeysan gaadiid aan tiradooda  la sheegay  ayaa ka kala baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kuwaasi oo ku sii jeeda aaga Buurta Galgala oo maalmihii la soo dhaafay ay caado  ka noqdeen weeraro ay Shabaab iyo daacisha ay ku soo qaadayaan  ciidamadii horey fariisimaha ugu lahaa Buurta Galgala.

Saraakiisha Puntland ayaa Sheegay in dagaal culus ay ku qaadi doonaan Shabaabka iyo Daacishka ku sugan buurahaasi,Maadaama ay Sheegeen in Cabsi ay soo wajahday Shacabka ku nool magaalooyinka Boosaaso iyo garoowe.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxda Mamaulka Puntland ay Sheegeen In Shabaab badan ay tageen  Buuraha galgala kadib markii ay ka soo barakaceen koofurta Soomaaliya,taasi oo sabab u ah duqeymaha ay fulinayaan Diyaaradaha Mareykanka.

Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ayaa Marar badan waxaa ay ku dagaalameen Buuraha galgala iyo Calmadow oo intuba ka tirsan gobalka Bari.