Uncategorized

Puntland oo maanta wareejineyso Dekadda Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ay Puntland waxa ay sheegayaan in maanta Shirkadda DPworld lagu wareejin doono Dekadda Boosaaso kadib heshiis dhexmaray Maamulka Puntland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Qaban qaabada Xafladda lagu wareejinayo Dekadda Boosaaso oo hada ka socota Gudaha Dekadda ayaa la sheegay in ay ka qeyb galaayaan mas’uuliyiin ka tirsan Sharikadda Dekadaha ee Dalka Imaaraadka ee loo yaqaan DPWorld iyo Madax ka tirsan maamulka Puntland.

DPWorld waxaa ay 30ka Sano ee soo socda maamuli doontaa Dekadda Magaalada Boosaaso,si la mid ah Dekadda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland sida ku cad heshiiskii ay galeen Labada dhinac.

Inkastoo maanta Dekadda Boosaaso lagu wareejinayo Shirkadda DPWorld ayaa hadana wali waxaa taagan Cabasho ay qabaan Dhaqanka, Siyaasiinta, iyo Madax ka tirsan Puntland oo Gobalka Bari ka soo jeedo iyadoo qaarkood magaalada Muqdisho u yimid in arintaasi ay kala hadlaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.