Somali News

Puntland oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqday inuu ku soo laabto shirka Afisyooni

Muqdisho-KNN-Qoraal kooban oo Afhaayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Daparani uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu uga hadlay shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyoone, kaas oo hakadbla isku eedeeyey uu ku yimid todobaadkii hore.

Qoraalka afhayeenka madaxtooyada Puntland ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu ku soo laabto shirka Afisyoone, si loo sii amba-qaado wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Jaamac Daparani ayaa tilmaamay in Puntland ay weli diyaar u tahay inay sii socdaan dadaallada xalka looga gaarayo osmar-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan  fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.