Muqdisho-KNN-War ay soo saartay wasaaradda waxbarashada maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda waxbarshada Soomaaliya aysan ka qaadi doonin deegaannada Puntland Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkan.
Wasaaradda ayaa waxa ay sheegtay in ay wado sidii ay ardayda deegaannadeeda ugu diyaarin lahaayeen galista Imtixaanaadka Shahaadiga ah, kaas oo ay diyaarin doonto wasaaraddu.
Waxa ay sidoo kale wasaaradda waxbarshada ee Puntland ay shaacisay, waqtiga loo fariisan doono Imtixaanka oo ah 30-ka bishan May ee sanadkan, haddii aysan wax isbedelin oo la xiriirta xaaladda dalka.
Tallaabadan ay shaacisay wasaaradda waxbarashada ee maamulka Puntland ayaa waxa ay ku soo aadaysaa, xilli shalay kulan wada jir ah ay yeesheen wasaaradda waxbarshada xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasaaradaha waxbarasho ee maamul goboleedyada dalka ay uga wada hadleen, qaabkii loo qaadi lahaa Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dugsiyada Hoose iyo kuwa Sare ee dalka, ayaa waxaa kulankaasi aan ka soo qayb galin wasaaradda waxbarshada Puntland.