Somali News

Puntland oo markale amar ku bixisay in shirkadaha ay qaataan lacagta Shillinga Soomaaliga ah

Guddiga xalinta dhibaatada Suuqa Lacagaha Puntland ayaa sheegay inaan weli si buuxda loo adeegsan lacagta Shillin Soomaaliga, uuna jiro qiimo koror alaabaha iyo adeegyada dadka danyar ay ku iiban jireen lacagta Shillinka.

Warqad kasoo baxday guddiga xalinta dhibaatada suuqa lacagaha ee Puntland ayaa mar kale lagu soo jeediyay in muddo xadidan, islamarkaana la hakiyo adeegsiga lacagta doollarka danabaysan ee ka hooseeysa $1, bedelkeedana Shirkadaha Isgaarsiinta ay qaataan lacagta shilin Soomaaliga.

Qodobadan cusub ayaa ku soo aadaya xilli dhibaatooyinka suuqyada wali taagan yihiin oo ay dhaqan gali waayeen qodobo ay horay u soo jeediyeen guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha Puntland.

Hoos ka akhriso: