Somali News

Puntland oo Maxkamad soo taagtay odayaal ku xirnaa Boosaaso

Boosaaso-KNN-Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta u fariisatay gar-maqalka dacwad loo haysto shan oday oo Puntland ay ku xirtay magaalada Boosaaso, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen heshiisyo maalgashi oo ay kula jirto shirkado laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Odayaasha maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa lagu kala magacaabaa, 1-Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, 2-Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, 3-Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble, 4-Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo) iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kuwaas ku dhawaad bil lagu hayay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay eedaha xeer ilaalinta oo odayaasha ku eedaysay kicin dadweyne, waxay go’aamisay in mar kale kiiska loo fariisto maalinta Axada ah ee todobaadka soo socda.