Garowe-KNN-Iyadoo Daadad ka dhashay Roobab mahiigaan ah ay ku fataheen deegaano badan oo ka tirsan deegaanada Puntland ayaa Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland waxa ay ku amartay dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland in meelaha Biyo mareenkaa iyo dooxooyinka laga saaro dadka reer miyiga si looga badbaadiyo daadadka.
Cabdi-weli Mire Xirsi Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo shalay gelinkii dambe booqday degaano u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif oo daadad badani ku rogmadeen ayaa maamulada degmooyinka Puntland waxa uu faray dadka reer miyiga in ay ka saaraan togaha biyuhu maraan ee daadadka u nugul.
Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu dadkii deegaanadaasi ku war galiyay in ilaa 5-ta bishaan la filayo in roobab badan ay ka da’aan degaannada Puntland, sidaasi darteedna loo baahanyahay bulshada in laga wacyi-geliyo halista daadadka.
Deegaanada maamulka Puntland ayaa sanadkaan waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah, iyadoona ay dadka iyo duunyadu ku diirsadeen, hayeeshee waxaa jira deegaano badan oo roobabkaasi ay daadad ku fataheen kuwaasi oo geystay khasaare Naf iyo Maalba leh.