Somali News

Puntland oo shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee maamulka Puntland, ayaa sida qorshaysan Maanta oo Isniin ah shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Wasaaradda ayaa Bahda Waxbarashada heer Gobol iyo heer Degmo  ku wargelisay, in Maanta oo Isniin ah, Saacaddu markay tahay 11:00AM, ay si rasmiya u shaacin doonto Natiijada Imtixaanka Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa ku boorriyay dhammaan Ardayda in ay si deggan ula socdaan Natiijada Imtixaankooda “Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda” ayaa lagu yiri Qoraalka.