Somali News

Puntland oo shaacisay waqtiga laqaadayo dacwada kiiskii Caa’isho Ilyaas

Garoowe-KNN- Xeer ilalina maamulka Puntland ayaa maanta sheegtay in uu gabangabo marayo kiiskii dilka iyo kufsiga iskugu jiray ee loo geystay marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan.

 Taliye ku xigeenka laanta Dambi baarista Puntland Cismaan Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe  ayaa Shaaciyey in meel fagaare ah lagu qaadayo dacwada kiiska Caa’isho Ilyaas oo bilo kahor dil iyo Kufsi loogu gaystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamadeynta raga looheysto kiiskaas ayuu sheegay Taliyuhu in lagu qabanayo Jaamacada Bariga Afrika ee Garoowe Maalinta Sabtida oo soo socota, asagoo balan qaaday in ay jiri doonin qof laga hor istaagayo cidii doontana ay ka soo qeyb gali karto dhageysiga dacwadaas .

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye ku xigeenka Danbi barista Puntland in isla maalintaas dacwada kufsi kale oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu qaadi doono isla fagaaraha  Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe.

Halkaan ka dhageyso Codka Taliya:-