Gaalkacyo-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Mudug ay qabteen gaari yar oo todobaad ka hor laga soo dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska qaybta booliiska gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen gaarigaas oo nuuciisa lagu sheegay Probox.
Sidoo kale Taliska booliska Puntland ee waqooyiga gobolka Mudug ayaan tafaasiil intaasi dheer ka bixin xilliga ay qabteen gaarigan, in la qabtay dadkii dhacay iyo halka laga qabtay intaba.
Shacabka reer Gaalkacyo gaar ahaan waqooyiga ayaa loogu mahad celiyay qoralka booliska, kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalka si buuxda arintan ugala shaqeeyay ciidamadda ammaanka.
Ugu dambeyntii Taliska booliska Puntland magaalada Gaalkacyo ayaa ballan qaaday inay xoojin doonaan sugidda amniga magaalada, isla markaana ay dhanka Galmudug la kasha doonaan waxyaabaha qalqalka ku keenaya amniga sidii looga hor tegi lahaa.