Somali News

Puntland oo sheegay in buuraha Galgala ay ku dileyn dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab

Garowe-KNN-Wararka Ka imaanaya gobalka Barri ee Puntland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Puntland ay maanta weerar ku qaadeen fariis ay dagaalamayasha Al-Shabaab ay ku leeyihiin buuraha Galgala ee gobolkaasi.

Dadka degaanka ayaa KNN u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa madaafiicd oo ay isku adeegsanayeen Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland oo halkaasi ku dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada amaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada weerar ay ku qaadeen fariisin ay Kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen buuraha Galgala ee gobalka  Barri.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Buruaha Galgala ayaa waxaa ku sugan qeybo ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo daacish, iyagoona mararka qaar weeeraro ku soo qaada saldhigyada ay ciidamada maamulka Puntland deegaanadaas ay ku leeyihiin.

C/wali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dhawaan waxa uu sheegay in Al-Shabaab iyo daacish ay ka saari doonaan deeegaanada ay kaga sugan yihiin Gobalka Barri.