Somali News

Puntland oo sheegtay in ay bilowdeen howlgal ka dhan Ah Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidammada Ammaanka Puntland iyo Maamulka Gobalka Mudug ayaa ka hadlay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana ay sheegeen in howlgaladani ay yihiin kuwo lagu beegsanayo dadka falalka Ammaan-darro ka wada magaalada.

Taliyayaasha Ciidammada Booliska iyo PMPF Puntland oo Shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidammadu baari doonaan Goob walba iyo guri walba oo ku yaalla Magaalada, si loo xaqiijiyo amniga Gaalkacyo, iyagoona ku amray Dadka shacabka ah inaan hub lala dhexmari karin Hub gudaha Magaalada

Sidoo kale, Taliyayaasha ayaa Ciidammada amniga ee howlgalada fulinaya ku amray inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, ayna beegsadaan kuwa doonaya inay dhibaateeyaan shacabka, kuwaas oo ay kamid yihiin kooxaha Argagixisada ah iyo dadka ka Ganacsada maandooriyaha Khamrida.