Garowe-KNN-Saraakiisha ciidamada Daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn ciidamo Milatari ah oo ka soo goystay Soomaaliland.
Sareeyo Guuto Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) iyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal Korneyl Cumar Cabdullaahi Maxammed (Fara-weyne) iyo masuuliyiin kale ayaa goob fagaara ah ku soo bandhigay ciidamadaas oo tiradooda ay gaareyso 110 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Guutada Gacan libaax oo fadhigooda uu ahaa Jiida hore ee Gobolka Sool.
Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax) oo hogaaminayay ciidamadaas la sheegay in ay ka soo goysteyn Soomaaliland ayaa sheegay in ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin ay kala kulmeyn Soomaaliland inkastoo uusan caddeynin dhibaatadii lagu hayay.
Ciidamadaan ka tirsanaa Milateriga Soomaaliland ee ku soo biiray Maamulka Puntland sida lasheegay ay ku soo aadeyso xilli xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ay weli ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Sool.